HomeWararMaxaa u qabsoomay Madaxdweyne Xasan Sh. Muddada halka sano ah? Akhriso

Maxaa u qabsoomay Madaxdweyne Xasan Sh. Muddada halka sano ah? Akhriso

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud doorashiisa kadib waxa uu ballaan qaaday qodobo dhowr ah iyo hal ku dhig uu ku galay Ololahiisa doorasho, kaasi oo ahaa SOOMAALI HESHIIS AH DUNIDANA HESHIIS LA AH, waxa uuna isla markii la dhaariyayba ku dhawaaqay inuu Ammaanka dalka uu wax ka qaban doono, islamarkaana uu dagaal la gali doono ALshabaab.

Muddadii halka sano aheyd ee ay jirto Dowladda Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxa ay ku guuleysatay islamarkaana ay waxa ka badashay Ammaanka iyo Xasiloonida Caasimada Dalka ee Muqdisho, taasoo laga dhigay mid ammaan ah,kadib markii laga howlgaliyay Ciidammo cusub, kuwaasi ay ku diirsadeen Dadka Shacabka ahaa ee ku dhaqnaa degmooyin ay dhibaatooyin ka geysan jireen Gaangis abaabulan iyo garanwaa.

Dhinaca kale waxa uu ka dhabeeyay halku dhiggiisa ahaa SOOMALI HESHIIS AH DUNIDANA HESHIIS LA H, waa uu shaqeeyay oo uu ku dhaqaaqay inuu kulamo siyaasadeed la qaato Masuuliyiinta Maamul-goboleedyada Dalka, si ay u sii socoto wada shaqeynta Madasha Qaranka, waxaana laga xasuustaa hadal qiimo leh islamarkaana macno weyn ku fadhiya ka jeediyay Magaalada Dhuusamareem, taaso oo ah “ wax la is jiidaba ama la is booxaariyaba caadi iska dhiga waxay ku dhammaatay Xasan Shiikh aa Madaxweyne ah”.

Dhinaca Siyaasadda arrimaha Dibadda waxa uu Madaxweynaha iyo Dowladdiisu ku dhaqaaqeen inay soo celiyo xiriirka Dunida ay Soomaalidu la leedahay, isagoo ka bilaabay Wadamada Safka hore ama Deriska la ah Soomaaliya, waxa uuna ku guuleystay inuu caadiyeeyo Xiriiradooda , kadibna waa uu safarro ku kala bixiyay wadammo isugu jira kuwa aan Walaalaha nahay iyo kuwa aan saaxiibada nahay, kuwaasi oo iyana la soo celiyay heshiisyadooda.

Dhinaca kale muddada halka sano ah ee ay jirtay Dowladda waxay Barlamaanka Soomaaliyeed la hor geeyay Hindise-sharciyeedyo badan oo maray dhammaan sharciyada Dalka, kana guteen waajibaadkooda laba Gole ee Baarlamaanada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi ah in ka badan 10 hindise-sharciyeed, islamarkaana oo uu saxiixay Madaxweynaha,la marsiiyayna faafinta rasmiga, waxaana ka mid ahaa Sharciga Argagixisada, sharciga Lacag dhaqista, sharciga Hey’adda Sirdoonka Qaranka iyo kuwa kale oo badan, kuwaasi dhammaantood waxtar u leh geeddi socodka Dowladnimo.

Dhinaca Deyn cafinta dowladda waxa ay sii dhiraan-dhirisay sidii deymaha looga cafin lahaa Soomaaliya, waxaana loo koray geed dheer iyo mid gaaban, ugu dambeyntiina waxay soo gaarsiisay in la cafin doon dhammaan deymaha lagu leeyahay Dalka Soomaaliya bartamaha bisha asgoosto ee sanadkan, deyntaasi oo dhan 5 Billion oo Doolar.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories