HomeWararAKHRISO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo hal Arrin Digniin adag kasoo saaray

AKHRISO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo hal Arrin Digniin adag kasoo saaray

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay qaraarkii ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda ee la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo ilaalinta hantida dadweynaha. Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay ka hadlaayay masaajidka Madaxtooyada salaadihii jicmaha kadib ayaa waxa uu sheegay in tallaabo adag oo sharci ah laga qaadayo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Federaalka ee ku kaca […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay qaraarkii ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda ee la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo ilaalinta hantida dadweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay ka hadlaayay masaajidka Madaxtooyada salaadihii jicmaha kadib ayaa waxa uu sheegay in tallaabo adag oo sharci ah laga qaadayo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Federaalka ee ku kaca xatooyo dadweyne.

- Advertisement -

Madaxweynaha dowladda ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in qof loo soo xiray arrimo musqu-maasuq lasoo daba kaco oo la dalbaday in qofkaas lasii daayo, wuxuuna carabka ku dhuftay Madaxweynaha inay si adag uga dagaalami doonaan musuqa.

“Qofka dowladda ka tirsan mustawe kasta ha jooge ee masuuliyadaas siday tahay u gudan waaya qaanuun ayaa degan, dowladdu waa qaanuun iyo sharci, tallaabo ayaa laga qaada sharciga waafaqsan oo wuxuu sharcigu ku xukumo ayuu helaya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay toos warbaahinta ugala socondoonaan dacwadaha dadka lagu eedeeyo xatooyada xoolaha Qaranka.

- Advertisement -

Xasan ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in caqabadaha jira ee dowladnimada Soomaaliya ka kori la’dahay ay qeyb ka tahay in nabadoonada ama madaxda qaar ay keensadaan qof aysan aqoon shaqsiyadiisa, kaliya ay boos ula rabaan inuu ku qabiil yahay keliya.

Latest stories