HomeWararKulan looga hadlay dhaqan-gelinta sharci uu saxiixay Xasan Sheekh oo qabsoomay

Kulan looga hadlay dhaqan-gelinta sharci uu saxiixay Xasan Sheekh oo qabsoomay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiirka Wasaaradda Amniga, Dr. Mohamed Sheekh Cali (Doodisho), ayaa maanta shir gudoomiyayay shirka todobaadlaha ah ee Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda (HSJ), waxaana lagu lafa guray wada shaqeynta HSJ iyo Hey’addaha kale iyo sidoo kale dhaqangelinta shuruucda cusub ee dhawaan Madaxweynuhu saxiixay iyo ilaalinta habraacyada shaqo ee Hey’adda dhexdeeda ah. Wasiirka, oo xusay in dhawaan la […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Amniga, Dr. Mohamed Sheekh Cali (Doodisho), ayaa maanta shir gudoomiyayay shirka todobaadlaha ah ee Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda (HSJ), waxaana lagu lafa guray wada shaqeynta HSJ iyo Hey’addaha kale iyo sidoo kale dhaqangelinta shuruucda cusub ee dhawaan Madaxweynuhu saxiixay iyo ilaalinta habraacyada shaqo ee Hey’adda dhexdeeda ah.

Wasiirka, oo xusay in dhawaan la meelmariyay Sharciyada dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo sharciga Socdaalka, ayaa timaamya muhiimadda ay leeyihiin in si rasmi ah loo dhaqangeliyo Shuruucda la meelmariyay.

- Advertisement -

“Hay’addu waxay yeelatay shuruuc cusub oo la jaanqaadeysa sharciyada kale ee ay leeyihiin Hey’addaha kale ee dhigeeda ah ah” Sidaa waxaa yiri Wasiirka Wasaaradda Amniga Md Doodisho.

Wasiirku, mar uu ka hadlayay ilaalinta habraacyafa shaqo iyo in aan la dhinac marin waxa uu yiri, Hey’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda waxey ka mid tahay Hey’addaha hana qaaday oo Umadda Soomaaliyeed qiimaha weyn ugu fadhiya, waxaana muhiim ah inaad la timaadaan shaqo hufan oo aan wax isdaba marin iyo Musuqmaasuq ku jirin, muwaadiniinta Soomaaliyeedna aad si daah furan ugu adeegtaan meel walba oo ay dalka ka joogaan.

Wasiirka Wasaaradda Amniga, ayaa mudadii uu shirku socday waxa uu warbixino ka dhegeystay Agaasimaha Guud  Cabdulqaadir Cilmi Cali wuxuuna ku amaanay sida daah furnaanta leh oo ay shirkan ugu kala war qaadanayaan madaxda HSJ, isagoo bogaadiyay howlaha hurumarka leh ee socda.

- Advertisement -

Ugu dambeyna, Wasiirka Wasaaradda Amniga (Doodisho), oo shirka soo xiray,ayaa Saraakiisha HSJ kula dardaarmay ilaalinta Sirta Hey’adda iyo sida loogu baahan yahay in la xafido, iyo sidoo kale in la xoojiyo wada shaqeynta Hey’adda dhexdeeda iyo Hey’addaha kale ee ay shaqo wadaaga yihiin taas oo uu sheegay Wasiirku iney horseedi karta horumar iyo in horey loo socdo.

Latest stories