HomeWararXal laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Itoobiya

Xal laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Itoobiya

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa socdaalkii u horreeyay ku tagay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, tan iyo sanadkii 2019 wixii ka dambeeyay oo khilaaf xooggan soo kala dhex galay. Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in isu soo dhawaanshaha Madaxweyne Axmed Madoobe iyo dowladda Itoobiya ay ka shaqeeysay […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa socdaalkii u horreeyay ku tagay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, tan iyo sanadkii 2019 wixii ka dambeeyay oo khilaaf xooggan soo kala dhex galay.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in isu soo dhawaanshaha Madaxweyne Axmed Madoobe iyo dowladda Itoobiya ay ka shaqeeysay dowladda Imaaraadka Carabta.

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa shalay oo khamiis aheyd kulan la qaatay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Ahmed Shidde, Madaxweynaha dowlad Deegaanka Mustafa Cagjar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladdaasi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kulan looga wada hadlay inta uu socday xaaladihii ugu danbeeyay ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo arrimaha Jubbaland.

Sidoo kale waxaa uu la kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo uu ka mid yahay Jeneraalka ugu sareeya ciidanka Itoobiya, oo uu kala hadlay arrimaha ciidamada Itoobiya iyo howlgalada ay ka qeyb qaadanayaan ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee bilaabanaya deegaanada Jubbaland.

Latest stories