HomeWararShir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo lagu qabtay Uganda

Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo lagu qabtay Uganda

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Dalalka Ciidamadu ka joogaan dalkeennna ayaa kulan ay kaga arrinsanayeen dagaalka lagula jiro Khawaarijta iyo sidii looga xoreynayo gayiga Soomaaliyeed ku yeeshay dalka Uganda. Shirkan ayaa horudhac u ah shir madaxeed maalmaha soo socda ka dhici doona dalka Yugaandha ayaa lagu wado inay ka qeyb galaan madaxweynayaasha dowladaha ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dalalka Ciidamadu ka joogaan dalkeennna ayaa kulan ay kaga arrinsanayeen dagaalka lagula jiro Khawaarijta iyo sidii looga xoreynayo gayiga Soomaaliyeed ku yeeshay dalka Uganda.

Shirkan ayaa horudhac u ah shir madaxeed maalmaha soo socda ka dhici doona dalka Yugaandha ayaa lagu wado inay ka qeyb galaan madaxweynayaasha dowladaha ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ka tirsan howlgalka ATMIS, kuwaas oo kala ah Jabuti,Yugaandha, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo Dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Shirka ayaa looga dooday sidii ay ciidamada ATMIS uga qeyb qaadan lahaayeen dagaallada lagula jiro alshaabab, kulanka ayaa sidoo kale warbixin looga dhagaystay xubno ka socda waddamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa waxay sheegeen in howlgallada ka socda Soomaaliya oo ay iska kaahsnayaan Ciidamada xoogga dalka iyo dadka shacabka ah laga gaaray horumar ballaaran oo mira dhal ah.

Wafdiga ka socda Soomaaliya ee shirka ka qeyb galay ayaa sheegay in guulo ballaaran laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo fulinta qorshaha xasilinta dalka oo meel wanaagsan marayo si amniga dalka loogu wareejiyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dabayaaqada 2014-ka.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay ugu codsaday dhiggiisa dalka Yugaandha , Yoweri Museveni in shirka looga hadlayo arrimaha ATMIS uu marti geliyo.

Latest stories