HomeWararSoomaali ka qaxday Suudaan iyo dalal badan oo muwaadiniintooda la baxaya

Soomaali ka qaxday Suudaan iyo dalal badan oo muwaadiniintooda la baxaya

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray kumannaan askari Xananbuure

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo hal sano ku qaatay Xananbuure, kuwaas oo ah ciidamadii ugu badnaa ee tababar ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii 1991-kii.

Jeexjeexyada Maqaarka: Yaa Ku Dhaca, Ma La Daaweyn Karaa?

Jeexjeexyada maqaarka waa xarriiqo caadi ah oo ka dhalan kara miisaan isbeddel uur, koritaanka jirka ama arrimo hidde-side ah Laakiin maxa sababa, yaase ugu badan mase dhab ahaan waa la daaweyn karaa?

Waxaa sii kordhaysa tirada dalalka muwaaddiniintooda kala baxaya caasimadda Suudaan ee Khartuum, halkaas oo toddobaadkii labaad uu ka socdo dagaal culus oo u dhexeeya hoggaamiyeyaasha ciidamada. Dhanka kale, Soomaali u badan arday ayaa isku dayaya in ay u qaxaan dhanka Suudaanta Koofureed, halkaas oo gurmad iyo isku xir ay ka waddo safaaradda Soomaaliya ee Juba. […]

- Advertisement -

Waxaa sii kordhaysa tirada dalalka muwaaddiniintooda kala baxaya caasimadda Suudaan ee Khartuum, halkaas oo toddobaadkii labaad uu ka socdo dagaal culus oo u dhexeeya hoggaamiyeyaasha ciidamada.

Dhanka kale, Soomaali u badan arday ayaa isku dayaya in ay u qaxaan dhanka Suudaanta Koofureed, halkaas oo gurmad iyo isku xir ay ka waddo safaaradda Soomaaliya ee Juba.

- Advertisement -

Safriirka Soomaaliya u fadhiya Suudaanta Koofureed, Cabdixakiin Cabdullaahi Camey oo BBC-da uga warramay dedaallada ay wadaan ayaa sheegay in tiro Soomaali ah oo arday u badan ay soo gaareen magaalada Coast ee dalkaasi.

“Waxaan sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda Suudaanta Koofureed kala hadalnay in Soomaalida soo qaxday loo oggolaado inay dalka soo galaan,” ayuu yiri.

Safiirka ayaa xukuumadda Juba uga mahad celiyay sida qadarinta leh ee ay Soomaalida u qaabileen uguna oggolaadeen inay dalkooda soo galaan, iyagoo sida uu sheegay aan magacooda mooyee la weydiinin sharci.

- Advertisement -

Wuxuu intaas ku daray inay adagtahay in la ogaado tirada saxda ah ee Soomaalida kusoo qaxday dalkaas.

Latest stories