HomeWararCiidanka Amniga oo gacanta ku dhigay Haweeney Canug Umul ah ku xaday...

Ciidanka Amniga oo gacanta ku dhigay Haweeney Canug Umul ah ku xaday Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney xaday Canug yar oo umul ah, kaasi oo dhalnaa 13 maalin, waxaana laga xaday Hooyo Soomaaliyeed oo degan duleedka magaalada Muqdisho. Taliska Booliska Gobolka oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa ay ku sheegeen in howlgal ay sameeyeen ciidamada lagu guuleystay in lasoo qabto haweeneyda Canuga […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney xaday Canug yar oo umul ah, kaasi oo dhalnaa 13 maalin, waxaana laga xaday Hooyo Soomaaliyeed oo degan duleedka magaalada Muqdisho.

Taliska Booliska Gobolka oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa ay ku sheegeen in howlgal ay sameeyeen ciidamada lagu guuleystay in lasoo qabto haweeneyda Canuga ka xaday hooyadii dhashay oo degan Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.

- Advertisement -

Sidoo kale Taliska ayaa tilmaamay in Canuga umusha ah loo diray Isbitaal, si baaritaano Caafimaad loogu sameeyo, halka haweeneyda eedaysanahana ay ku socdaan baaritaano la xiriira sababta keentay inay soo xado canug dhalnaa 13 maalin oo kaliya.

”Taliska ciidanka booliiska Qeybta guud ee gobolka Banaadir oo ka jawaabaya cabasho ay hooyo Soomaaliyeed baraha bulshada ku baahisay, taasoo ahayd in laga xaday canug yar oo 13 bari dhalalan ayaa gacanta ku soo dhigay canuugii iyo eedaysanihii qaaday 20-4-2023” ayaa lagu yiri warka booliiska kasoo baxay.

Hooyo Soomaaliyeed oo Umul aheyd kuna nool deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa sheegtay in Axadii lasoo dhaafay labo naag oo isla socda u yimaadeen ayna siiyeen raashin sumeesan ,kaddibna ka qaateen cunuga oo jiray 13-maalin.

- Advertisement -

Latest stories