HomeWararBoqortooyada Ingriiska oo Safiir Cusub u soo Magacaabatay Soomaaliya

Boqortooyada Ingriiska oo Safiir Cusub u soo Magacaabatay Soomaaliya

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa Safiir Cusub u soo Magacawday Soomaaliya, kaasi oo bedalaya Safiirkii hore ugu joogay Soomaaliya Karte Foster, sida ay sheegtay wasaarada arrimaha dibadda dalkaasi. Michael Nithavrianakis ayaa loo soo magacaabay Soomaaliya,waxaana horay uu Safiirkaan Cusub kaga soo shaqeyay waddamo kala duwan oo dunida ah,kuwaasi ay ka mid yihiin waddamo ku yaalla Qaaradda Afrika. […]

- Advertisement -

Boqortooyada Ingiriiska ayaa Safiir Cusub u soo Magacawday Soomaaliya, kaasi oo bedalaya Safiirkii hore ugu joogay Soomaaliya Karte Foster, sida ay sheegtay wasaarada arrimaha dibadda dalkaasi.

Michael Nithavrianakis ayaa loo soo magacaabay Soomaaliya,waxaana horay uu Safiirkaan Cusub kaga soo shaqeyay waddamo kala duwan oo dunida ah,kuwaasi ay ka mid yihiin waddamo ku yaalla Qaaradda Afrika.

- Advertisement -

Safiirkii hore ee Ingiriiska u joogay Soomaaliya Kate Foster ayaa waxaa la filayaa in loo diro waddan kale, waxaana Michael Nithavrianakis uu xilka la wareegi doona Bisha May.

Waxaana Safiirka cusub uu waajibaadka Diblomaasiyadeed uu kusoo shaqeynayay tan iyo 1984-tii, waxaana horay kaga soo howgalo waddamo ay ka mid yihiin Talyaaniga,Ghana,Gariigga, Sacuudiga iyo waddamo kale.

 

Latest stories