HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Dagaalka maalintii 2-aad ka socda Suudaan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Dagaalka maalintii 2-aad ka socda Suudaan

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka xooggan ee maalintii shalay aheyd ka qarxay dalka Suudaan, kaasi oo u dheexeyay ciidanka Milateriga iyo ciidamada Gurmadka Degdega ah ee loo yaqaan RSF Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo saaray War ku qornaa luuqada English-ka ayaa waxa uu dhinacyada hubeysan ee ku dagaalamaya magaalada […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka xooggan ee maalintii shalay aheyd ka qarxay dalka Suudaan, kaasi oo u dheexeyay ciidanka Milateriga iyo ciidamada Gurmadka Degdega ah ee loo yaqaan RSF

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo saaray War ku qornaa luuqada English-ka ayaa waxa uu dhinacyada hubeysan ee ku dagaalamaya magaalada Khartuum ugu baaqay inay joojiyaan Colaada, isla markaana xiisada taagan lagu dhammeeyo wadahadal.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Beesha caalamka ka dalbaday inay kaalin weyn ka qaataan sidii loo qaboojin lahaa dagaalka oo laga cabsi qabo inuu magaalooyin hor leh ku sii fido oo ka tirsan dalkaas Suudaan.

“Xal kuma imaanayo Xaalada oo lasii huriyo iyo rabshadaha oo la sii kordhiyo kumana dhamaanayaan caqabadaha ay wajahayso Jamhuuriyadda Sudan,” ayuu Xasan Sheekh oo intaas kusii daraya in loo baahan yahay in xiisada Suudaan la qaboojiyo.

Maalintii labaad ayaa waxaa dagaallo xoogan oo u dhaxeeya laba garab oo ka kala socda ciidamada Dalka Suudaan ay ka socdaan Magaalada Khartuum iyo deegaanno kale oo duleedka ah.

- Advertisement -

Ugu yaraan 56 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay dagaalka u dhexeeya ciidanka iyo kooxda gurmadka degdegga ah ee (RSF), sida ay sheegeen koox dhakhaatiir ah oo madax-bannaan.

Latest stories