HomeWararErgayga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland oo kulan la qaatay Xildhibaanada Gobolada...

Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland oo kulan la qaatay Xildhibaanada Gobolada Waqooyi

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Soomaaliland Abdikarim Hussein Guled ayaa xalay kulan wadatashi iyo Af-fur ah u sameeyay qaar ka mid ah Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Soomaaliland. Kulankan oo ay soo xaadireyn inta badan xildhibaanada BJFS ee kasoo jeeda Soomaaliland ayaa waxaa ka soo qeybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sarre Mudane Cadi Xaashi […]

- Advertisement -

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Soomaaliland Abdikarim Hussein Guled ayaa xalay kulan wadatashi iyo Af-fur ah u sameeyay qaar ka mid ah Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Soomaaliland.

Kulankan oo ay soo xaadireyn inta badan xildhibaanada BJFS ee kasoo jeeda Soomaaliland ayaa waxaa ka soo qeybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sarre Mudane Cadi Xaashi Cabdullahi iyo Ra’iisul wasaare Ku Xigeenka Dalka Mudane Saalax Jaamac.

- Advertisement -

Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Soomaaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled oo ugu horeeyn ka hadlay goobta ayaa uga warbixiyay Xildhibaanada iyo Masuuliyiinta Dowlada ee goobjooga ahaa Shaqooyinka culus ee Horyaalka xafiiskiisa iyo sida aan looga maarmin taladooda ku aadan ka gun-gaarista xal u helida Arrimaha Soomaaliland.

Qaar Ka mid Xildhibaanada joobta joogay, Ra’iisul wasaare Ku Xigeenka Dalka Mudane Saalax Jaamac iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi  ayaa aad u soo dhaweyay howlaha dardarta leh ee Ergeyga, waxaan ay u ballanqaaday dhammaantood in ay si dhow ula shaqeyn doonaan, ayana ku garab istaagayaan dhabbo kasta oo lagu xaqiijinayo midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Latest stories