HomeWararQM oo Shaacisay tirada dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay Qaraxyada Sanad kii...

QM oo Shaacisay tirada dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay Qaraxyada Sanad kii hore 2022

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Iyadoo u dabaaldegeysa Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta iyo Kaalmaynta Wax-ka-qabashada Miinooyinka, ayaa Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay mar kale adkeynayaan ka-go’naanshohooda taageerada dadaallada Soomaaliya looga cirib-tiraayo khataraha haraadiga walxaha qarxa. “Marka laga eego tirada dadka ku wax-yeelooba ama baaxadda culayska dhaqaale, khasaaraha ay dadka caadiga ah ee Soomaaliyeed kala kulmaan khatarta ka dhalan […]

- Advertisement -

Iyadoo u dabaaldegeysa Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta iyo Kaalmaynta Wax-ka-qabashada Miinooyinka, ayaa Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay mar kale adkeynayaan ka-go’naanshohooda taageerada dadaallada Soomaaliya looga cirib-tiraayo khataraha haraadiga walxaha qarxa.

“Marka laga eego tirada dadka ku wax-yeelooba ama baaxadda culayska dhaqaale, khasaaraha ay dadka caadiga ah ee Soomaaliyeed kala kulmaan khatarta ka dhalan karta walxaha qarxa waxay ku kacaysaa qiimo aad u sarreeya oo aan la xamili karin. Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa si joogto ah uga go’an la-shaqaynta maamullada Soomaaliyeed iyo saaxiibada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah si loo badbaadiyo dadka rayidka ah loona kobciyo nabadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya,” ayay tiri Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

- Advertisement -

“Maalintan Caalamiga ah awgeed, waxaan si gaar ah u qiraynaa geesinimada iyo heellanaanta hawl-wadeenada ka shaqeeya miino-saarista iyo sida ay uga go’an tahay abuurista jawi amaan ah oo bed-qaba oo ay helaan dhammaan dadka Soomaaliyeed,” ayay raacisay.

Sannadkii 2022, in ka badan 1,200 rayid Soomaaliyeed ah ayaa ku dhintay ama ku dhaawacnmay walxaha qarxa, oo ay ku jiraan haraadiga walxaha qarha ee ay reebeen daagaalada, miinooyinka iyo walxaha qarxa ee macmalka ah.

Guud ahaan intaas waxaa sii dheer, wasakhowga haraadiga walxaha qarxa ayaa caqabad ku ah soo kabashada dhaqaalaha iyo horumarka iyadoo goobaha wasakhowga ka dhigaysa mid xad dhaaf ah, oo hor-istaagaya helitaanka hab-nololeed iyo adeegyada muhiim ka u ah dadka deegaanka, iyo sidoo kale xannibaadda xorriyadda dhaqdhaqaaqa dadka. Waxay sidoo kale caqabad ku tahay gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee muhiim u ah qaybo ka mid ah deegaanada dalka Soomaaliya oo ay abaaro ka jiraan.

- Advertisement -

Qaramada Midoobay ayaa si garab-istaag ah ugala shaqaynaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah sidii loo yarayn lahaa saameynta walxaha qarxa. Isla markaana, waxay ka shaqaynaysaa sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda aqooneed ee hay’adaha amniga ee Soomaaliya si ay u hogaamiyaan una agaasimaan wax ka-qabashada miinada. Taageeradaas waxaa ka mid ah yaraynta halista waxlxaha qarxa, hawlo miino-saaris iyo sahan, iyo u doodista iyo dadaallada kobcinta awoodda si kor loogu qaado u hoggaansanaanta xeerarka caalamiga ah.

Latest stories