HomeCaalamkaMucaaradka Kenya oo wacad ku maray in ay sii wadi doonaan mudaaharaadyada

Mucaaradka Kenya oo wacad ku maray in ay sii wadi doonaan mudaaharaadyada

Date:

Related stories

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Mucaaradka Kenya ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan mudaaharaadyada la qorsheeyay in ay dhacaan Isniinta inkastoo booliska ay ka digayaan in ay sii xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah waxa ay u arkaan dibadbaxyada sharci darrada ah. Mudaaharaadyada ayaa billowday todobaadkii hore, waxaana ay rabshado ka dhaceen dhowr goobood oo mucaaradku uu […]

- Advertisement -

Mucaaradka Kenya ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan mudaaharaadyada la qorsheeyay in ay dhacaan Isniinta inkastoo booliska ay ka digayaan in ay sii xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah waxa ay u arkaan dibadbaxyada sharci darrada ah.

Mudaaharaadyada ayaa billowday todobaadkii hore, waxaana ay rabshado ka dhaceen dhowr goobood oo mucaaradku uu ku xoogganaa.

- Advertisement -

Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa sheegay in dibadbaxyada la qaban doono maalmaha Isniinta iyo Khamiista kuwaas oo uu sheegay in looga soo horjeedo sare u kaca ku yimid ​​qiimaha maciishada iyo go’aanadii ka soo baxay doorashadii dalka ka dhacday sanadkii la soo dhaafay.

Balse madaxa booliiska, Japhet Koome, ayaa Axaddii sheegay in uusan “oggolaan doonin wax mudaaharaad ah oo ka dhaca dalka” wuxuuna ka digay inay taasi horseedi karto in dad badan xabsiyada loo taxaabo

Latest stories