HomeWararImaaraadka oo Gaadiid farabadan oo nooca Dagaalka ah ku wareejiyay Jubbaland +...

Imaaraadka oo Gaadiid farabadan oo nooca Dagaalka ah ku wareejiyay Jubbaland + Sawirro

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gaadiid farabadan oo nooca dagaalka ah ku wareejisay dowlad Goboleedka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe, gaadiidkaas ayaana laga dejiyay dekadda magaalada Kismaayo. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Maamulka uu dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay gaadiid dagaal iyo agab Ciidan oo kala duwan kuwaas oo […]

- Advertisement -

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gaadiid farabadan oo nooca dagaalka ah ku wareejisay dowlad Goboleedka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe, gaadiidkaas ayaana laga dejiyay dekadda magaalada Kismaayo.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Maamulka uu dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay gaadiid dagaal iyo agab Ciidan oo kala duwan kuwaas oo sida la tilmaamay ka qeyb qaadan doona dagaalka ka socda deegaanada maamulkaasi.

- Advertisement -

”Dowlada Jubaland ayaa  Dowlada aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta ka gudoontay gaadiid dagaal iyo agab Ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona dagaalka dib u xoraynta ah ee ay Ciidamada geesiyada ah ee Jubaland iyo xooga dalka ka wadaan deegaanada kala duwan ee Jubaland” ayaa lagu yiri qoraalka.

Imaaraadka ayaana gaadiidkan ku wareejiyay mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan Jubbaland, waxa ayna Imaaraadka Carabta ugu tala galeen gaadiidkan in loo adeegsado howlgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Gaadiidkan dagaal ee lagu wareejiyay maamulka Jubbaland ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in deegaannada maamulkaasi ka bilowdo howlgalo balaaran oo lagu doonayo in Al Shabaab looga saaro guud ahaan gobolada Jubbooyinka.

- Advertisement -

Latest stories