HomeWararDuqa Muqdisho oo la kulmay Amiirka Magaalada Riyaad

Duqa Muqdisho oo la kulmay Amiirka Magaalada Riyaad

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay Amiirka Magaalada Riyaad ee Caasimadda dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faisal bin Abdulaziz bin Ayyaf iyo xubno ka tirsan Madaxda Dowladda Hoose ee Magaalada Riyaad. Amiirka Riyaad iyo Duqa Muqdisho ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga iyo wax wada-qabsiga […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay Amiirka Magaalada Riyaad ee Caasimadda dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faisal bin Abdulaziz bin Ayyaf iyo xubno ka tirsan Madaxda Dowladda Hoose ee Magaalada Riyaad.

Amiirka Riyaad iyo Duqa Muqdisho ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga iyo wax wada-qabsiga labada Caasimadood, Isdhaafsiga Aqoonta iyo waayo aragnimada, Maareynta iyo Horumarinta Dowladdaha Hoose iyo Isku xirka (Mataaneynta) Magaalooyinka Riyaad iyo Muqdisho.

- Advertisement -

Kulanka ayaa waxaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ku wehlinaayay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u jooga dalka Sacuudiga, Mudane Saalim Macow Xaaji, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed iyo Madax kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Amiirka Caasimada Riyaad Faisal bin Abdulaziz bin Ayyaf kaga mahadceliyay martiqaadka iyo soo dhaweynta balaaran uu usameeyay Wafdiga Caasimada Muqdisho, iyo sida uu xooga u saarayo iskaashi iyo wax wada qabsi dhex mara Caasimadaha Riyaad iyo Muqdisho.

Latest stories