HomeCaalamkaMaraykanka oo sheegay in dembiyo dagaal la geystay intii ay socotay colaadda...

Maraykanka oo sheegay in dembiyo dagaal la geystay intii ay socotay colaadda Ethopia

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in xubno ka tirsan ciidamada milateriga ee Ethiopia ee ENDF, ciidamada Eriteria, ciidamada xoraynta Tigray ee TPLF iyo xoogagga amxaaradu inay galeen dembiyo dagaal, intii lagu guda jiray iska-hor imaadadii ka dhacay woqooyiga dalka Ethiopia. Xoghayaha ayaa sidoo kale u sheegay weriyayaasha in xubno ka mida […]

- Advertisement -

Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in xubno ka tirsan ciidamada milateriga ee Ethiopia ee ENDF, ciidamada Eriteria, ciidamada xoraynta Tigray ee TPLF iyo xoogagga amxaaradu inay galeen dembiyo dagaal, intii lagu guda jiray iska-hor imaadadii ka dhacay woqooyiga dalka Ethiopia.

Xoghayaha ayaa sidoo kale u sheegay weriyayaasha in xubno ka mida ciidanka milateriga ee Ethiopia, ciidamada Eriteria iyo xoogagga Amxaaradu inay geysteen dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo ay ku jiraan dilal, kufsi, iyo noocyo kale oo xadgudubyo galmo ah.

- Advertisement -

Blinken ayaa sheegay in xoogagga Amxaaradu inay ku kaceen dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo ay ka mid yihiin, inay si khasab ah u sameeyeen masaafurin ama ay ku kaceen isir sifayn ka dhan qowmiyadda Tigrayga ee ku noolayd galbeedka Tigray.

Go’aankan ayaa yimi ka dib safarkii uu toddobaadkii hore ku tegey wasiirku dalka Ethiopia, halkaas oo uu amaanay horumarka laga sameeyey hirgelinta heshiiskii nabadeed, hase ahaatee ka gaabsaday inuu dib u soo celiyo heshiiskii ganacsiga ee Maraykanka.

Latest stories