HomeWararShirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Goor dhow ka furmay Magaalada Baydhabo

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Goor dhow ka furmay Magaalada Baydhabo

Date:

Related stories

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ayaa Maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ahna caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Shirka Madaxda ayaa waxaa looga hadlayaa arrinsan doonaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed, ajendayaal kale oo gaar u ah Madaxda shireysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka Golaha shir guddoominaya, waxaana ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaare Xamse Barre, ku-xigeenkiisa, madaxda maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo Duqa Muqdisho.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kaliya ayaa ka maqan shirka Golaha, mana  jiro  wax war ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Maamulkaas  oo aay uga hadlayaan sababta keentay in Madaxweyne Deni ka baaqdo shirkaas.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Wakiiladda Caalaamiga ah ay Saciid Cabdullaahi Deni ka dalbadeen in shirkaasi uu xaadiro, isla markaana uu halkaasi kusoo bandhigo tabashadiisa, si xal wada-jir ah looga gaaro.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories