HomeWararGuddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo ka hadlay xasuuqii ka dhacay Laascaanood

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo ka hadlay xasuuqii ka dhacay Laascaanood

Date:

Related stories

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ka hadlay dagaalka u dhexeeya ciidanka degaanka ee SSC iyo ciidanka Somaliland oo todobaadkii saddexaad oo xiriir ah ka socday magaalada Laascaanood ee Xarunta Sool.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in waxa ka dhacay Laascaanood ay yihiin xasuuq ba’an oo shacabkii magaaladaas ku dhaqnaa loo adeegsaday awood xad-dhaaf ah, isla markaana ay ka muuqatay naceyb.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka ayaa waxaa uu ku eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in uusan dooneynin in xal laga gaaro Colaada, uuna kala fur furayo xarig kasta oo lagu doonayo in lagu gaaro nabad, si xabada loo joojiyo.

“Madaxweyne Muuse, Badbaada maanta jirtaa waa in aad ciidamadeeda kala baxdaa deegaanada SSC, maanta  berrito maaha, Haddii kale colaad raagta oo kalifaysa in aan dabka la kala qaadan ayaa ka dhalanaysa” ayuu yiri Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirisaaq Khaliif ayaa ugu baaqay Somaliland in ay ciidamadeeda kala baxdo gobaladda Sool, Sanaag iyo Ceyn oo ay fuliyaan go’aankii ay gaareen Isimadda dhaqanka ee gobaladaas oo isku duuban.

Si kastaba hadalka Guddoomiyaha ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo ciidanka Somaliland isaga baxeen inta badan aagagii ay kaga sugnaayeen magaalada Laascaanood, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay dagaalo  xooggan ay ku dhexmarayeen ciidanka maamulka iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories