HomeWararFaah faahin: Askar Soomaali ah oo ku dhimatay Diyaarad ku burburtay Shabeellaha...

Faah faahin: Askar Soomaali ah oo ku dhimatay Diyaarad ku burburtay Shabeellaha Hoose

Date:

Related stories

Midowga Afrika oo ku baaqay hal cod oo adduunka ah

Libreville, 20 May 2026 – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU),...

Somali Human Rights Body Secures UN Peacebuilding Support

The Chairperson of the Somali National Human Rights Commission,...

 Israa’iil oo soo dhaweysay safaaradda Somaliland ee Jerusalem

Tel Aviv, 20 May 2026 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

Maryan Qaasim oo UN kula wadaagtay xuquuqda aadanaha

Maryan Qaasim oo UN kula wadatay xuquuqda aadanaha Muqdisho, Arbaco,...

Xamsa oo soo dhaweeyay safiirka cusub ee Jabuuti

Xamsa oo soo dhaweeyay safiirka cusub ee Jabuuti Muqdisho, 20...

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ee Helicopter-ka oo ay leeyihiin ciidanka Mareykanka ayaa shil diyaaradeed ku gashay saldhiga Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegayaan warar aan heleyno.

Shilka ayaa dhacay gelinkii dambe ee shalay oo sabti aheyd, waxaana diyaaradda la socday Askar ka tirsan ciidanka kumaandooska DANAB ee xoogga dalka, kuwaasi oo qaadanayay tababar ciidan, xilligii  diyaaradu shilka galeysay.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in diyaaradda burburtay, isla markaana uu ka dhashay khasaaro dhimasho oo gaaray qaar kamid ah Askartii Soomaaliyeed ee la socotay, ugu yaraan 5 Askari ayaa ku dhintay shilkaas ka dhacay saldhiga Balli-doogle.

Saraakiisha ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa sheegay in baaritaan lagu sameyn doono shilkan diyaaradeed ee dhacay iyo waxa keenay, waxa ayna xuseen in baaritaanka natiijada kasoo baxda dib ka faah faahin doonaan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaan wali ka hadlin shilkan diyaaradeed ay ku dhinteen Askarta Soomaaliyeed, iyadooan ay xusid mudan tahay in meydadka Askarta geeriyootay qaarkood la geeyay xerada Xalane ee ku dhex taalla Garoonka Aadan Cadde.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories