HomeWararDowladda Soomaaliya oo taageero hor leh weydiisatay Ururka Iskaashiga Islaamka

Dowladda Soomaaliya oo taageero hor leh weydiisatay Ururka Iskaashiga Islaamka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wasiirka arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa kulan la qaatay wafdi heer sare ah oo ka socda ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee OIC oo uu hoggaaminayo kaaliyaha xoghayaha guud ee Arrimaha siyaasadda danjire Yuusuf  Binu Maxamed Al-Dabiici. Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga ka wada hadlay qodobo dhowr […]

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa kulan la qaatay wafdi heer sare ah oo ka socda ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee OIC oo uu hoggaaminayo kaaliyaha xoghayaha guud ee Arrimaha siyaasadda danjire Yuusuf  Binu Maxamed Al-Dabiici.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga ka wada hadlay qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha Bani-aadannimada gaar ahaan saamaynta ay roob yaridu ku yeelatay beeralayda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Sidoo kale Wasiir Huruuse iyo wafdiga ayaa isla soo hadal qaaday taageerada dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto dhamaystirka dayn cafinta,  qaadista cunaqabataynta hubka ee 32 jirsatay, iyo in wadamada xubnaha ka ah OIC ay garab istaag buuxa siiyaan dowladda Soomaaliya tartanka ay ugu jirto xubinta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka qaramada midoobay.

Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka oo ay xubno ka yihiin 57 dal ayaa ah kan labaad ee ugu balaaran dunida marka laga tago qaramada midoobay, iyadoo dalka uu ka mid ahaa dalalkii lagu asaasay ururka sanadkii 1969.

Latest stories