HomeWararCiidankii Somaliland oo isaga baxay aagag Dagaal oo ay kaga sugnaayeen Laascaanood

Ciidankii Somaliland oo isaga baxay aagag Dagaal oo ay kaga sugnaayeen Laascaanood

Date:

Related stories

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in arroornimadii hore ee saaka ay ciidanka maamulka Somaliland ay isaga baxeen inta badan aagagii dagaalka ka socday 21 kii maalmood ee lasoo dhaafay ee magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Ciidanka Somaliland ayaa baneeyay guriga gobalka Sool, waxaana durbadii la wareegay ciidanka deegaanka ee SSC, kuwaasi oo guriga ka dejiyay calankii Somaliland, sida lagu arkayay sawirro lagu baahiyay faraha Bulshada.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Somaliland oo ay uga hadlayaan ka bixitaankooda agagii dagaalka ka socday, Laascaanood ayaa waxaa  shalay ka dhacay dagaal xooggan oo dhaliyey khasaaro aad u farabadan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Ciidanka deegaanka ee SSC ayaa dagaaladii shalay dhacay ku qabsaday Saldhigyo  waaweyn oo ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka Somaliland iyo gaadiid nooca dagaalka iyo hub, waxaana ciidankii halkaas joogay ay aadeen degaano kale oo  ka tirsan Gobolka.

Kumanaan kun oo qof ayaa ku barakacay Colaada Laascaanood, kuwaasi oo ay haatan xaalad ku heysato deegaano ka tirsan Gobolka Sool, ma jirto wax xal ah oo laga gaaray dagaalka Laascaanood oo galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories