HomeWararTaliska Booliska G/Banaadir oo War kasoo saaray Israsaaseyntii ka dhacday Muqdisho

Taliska Booliska G/Banaadir oo War kasoo saaray Israsaaseyntii ka dhacday Muqdisho

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Taliska guud ee qeybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay Israsaaseyn ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka gaar ahaan Milateriga iyo Nabadsugida ku dhexmartay isgoyska Siinaay ee Muqdisho dhanka xiga degmada Boondheere. Qoraal uu faafiyay Taliska guud ee qeybta Booliska Gobolka ayaa lagu sheegay in falkaas uu yimid, kadib markii sarkaal ka tirsan ciidanka Milateriga […]

- Advertisement -

Taliska guud ee qeybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay Israsaaseyn ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka gaar ahaan Milateriga iyo Nabadsugida ku dhexmartay isgoyska Siinaay ee Muqdisho dhanka xiga degmada Boondheere.

Qoraal uu faafiyay Taliska guud ee qeybta Booliska Gobolka ayaa lagu sheegay in falkaas uu yimid, kadib markii sarkaal ka tirsan ciidanka Milateriga iyo ciidamo uu watay ay xoog ku mareen barta Koontarool ee isgoyska Siinaay, kadibna dhinacyada ay isku bilaabeen rasaas.

- Advertisement -

Taliska ayaa tilmaamay in sarkaalka iyo ciidanka la socday ay ka dhago adeegeen inay hubiyaan ciidanka Nabadsugida ee ku sugnaa Koontaroolka, isla markaana ay rasaas ku fureen ciidankaas joogay isgoyska, taasina oo sababtay khasaaro dhaawacyo.

Waxaa la xaqiijiyay in qof haweeney ah oo goobta mareysay uu falka dhaawac kasoo gaaray, halka laba Askari kalena oo ka tirsan ciidanka Nabadsugida ay iyaguna dhaawacmeen, waxaana la qabtay laba Askari oo la socday Sarkaalka Milateriga.

“Ciidanka Xoogga iyo laba qori oo BKM ah oo ay wateen. Waxaana haatan socda baaritaan la xiriira dhacdadaan iyo baadi goobka dadkii ku lugta lahaay shaqaaqadaan maanta ka dhacday isgoyska Siinaay ee Muqdisho” ayaa lagu yiri Qoraalka uu soo saaray Taliska guud ee qeybta Booliska Gobolka Banaadir.

Latest stories