HomeWararDeni oo magacaabay Guddiga gurmadka dadka kusoo Barakacay Colaada Laascaanood

Deni oo magacaabay Guddiga gurmadka dadka kusoo Barakacay Colaada Laascaanood

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabid Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka kusoo barakacay dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayuu ku magacaabay Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka soo barakacay, waxaana Guddiga oo Wasiiro u badan ay ka kooban yihiin 13-xubnood, iyadoona Guddoomiye […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabid Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka kusoo barakacay dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayuu ku magacaabay Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka soo barakacay, waxaana Guddiga oo Wasiiro u badan ay ka kooban yihiin 13-xubnood, iyadoona Guddoomiye looga dhigay Wasiir Juxa.

- Advertisement -

Guddigaan ayaa magacaabistooda waxaa ay ku timid, Baahida loo qabo in loo  diyaar garoobo  dadka dhibaatadu kasoo gaartay magaalada Laascaanood, oo ay duullaan kusoo qaadeen ciidanka maamulka Somaliland.

Dagaal galay maalintii afaraad oo xiriir ah ayaa ka socda magaalada Laascaanood, khasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalka, ciidanka Somaliland ayaa xasuuq ba’an ka geystay halkaas, iyagoona madaafiic adeegsanaya.

Hoos ka Akhriso magacyada xubnaha Guddiga uu magacaabay Deni.

- Advertisement -

1-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid Juxa, Guddoomiye.

2- Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeen.

3- Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dr Jaamac Faarax Xassan Xubin.

4- Wasiirka Wasaaradda duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin.

5- Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir Xubin.

6- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo masiibooyinka Layla Cabdi Cartan Xubin.

7- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Shaakir Maxamed Guuleed Xubin.

8-Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifatax Maxamed Cabdinuur Xubin.

9- Maxamed  Caydiid Jaamac  Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Xubin.

10- Dr Siciid Warsame Shahaado xubin.

11-  Shiikh Fu’ad Maxamuud Xaaji Nuur Xubin.

12- Shiikh Axmed Yuusuf Daad Xubin.

13- Cabdikaafi Axmed  Siciid Ganacsade Xubin.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts