HomeWararDagaal culus oo maalintii 4-aad ka socda Laascaanood & khasaaro badan oo...

Dagaal culus oo maalintii 4-aad ka socda Laascaanood & khasaaro badan oo ka dhashay  

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka deegaanka iyo ciidanka Maamulka Somaliland ayaa maalintii afaraad oo xiriir ah ka socda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana halkaas saaka oo khamiis ah ka bilowday dagaal culus. Dagaalka oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu xooggiisa si gaar ah uga socdaa aagga xerada […]

- Advertisement -

Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka deegaanka iyo ciidanka Maamulka Somaliland ayaa maalintii afaraad oo xiriir ah ka socda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana halkaas saaka oo khamiis ah ka bilowday dagaal culus.

Dagaalka oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu xooggiisa si gaar ah uga socdaa aagga xerada Qooja-cadde ee Laascaanood, dhawaqa hubka ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada iyo meelaha ku dhow.

- Advertisement -

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka saakay uu bilowday, kadib markii ciidanka Somaliland ay soo qaadeen dagaal rogaal celin ah, kadib gelinkii dambe ee shalay ay ciidanka Somaliland xoogaa dib looga riixay goobo ay ku sugnaayeen.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac farabadan ayaa ka dhashay dagaalka, waxaana la xaqiijiyay inay dagaaladii ka dhacay magaalada Laascaanood ku dhinteen in ka badan 40 qof, halka dad kabadana 150 kale ay dhaawac yihiin, oo xaaladdooda la dabiibayo.

Inta badan shacabkii deganaa magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa isaga barakacay halkaas, waxaana dadka haatan ku sugan magaalada ku jira Isimada Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo maalmo kahor shir ugu soo dhammaaday halkaas.

Latest stories