HomeWararSomaliland oo war kasoo saartay dagaalka ka socda Laascaanood

Somaliland oo war kasoo saartay dagaalka ka socda Laascaanood

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Somaliland ayaa sheegtay in dagaalka Saaka ka qarxay Magaalada Laascaanood uu yahay mid lagu soo qaaday fariisimo ay Ciidamadeedu ku leeyihiin Laascaanood. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu faah faahiyay dagaalkaasi ka socda Laascaanood. HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEDKA KASOO BAXAY SOMALILAND: Waxaa Saaka 5:30 Subaxnimo marlabaad soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Somaliland ee […]

- Advertisement -

Somaliland ayaa sheegtay in dagaalka Saaka ka qarxay Magaalada Laascaanood uu yahay mid lagu soo qaaday fariisimo ay Ciidamadeedu ku leeyihiin Laascaanood.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu faah faahiyay dagaalkaasi ka socda Laascaanood.

- Advertisement -

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEDKA KASOO BAXAY SOMALILAND:

Waxaa Saaka 5:30 Subaxnimo marlabaad soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Somaliland ee Magaalada Laascaanood kooxo argagixiso ah, kuwaasoo ah kooxihii shalay subax wareerka ku soo qaaday Ciidamada iyo Xarunta Golaha Wasiirada.
Kooxahan Argagixisada ah ee saaka soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka, waxaa taageeraya Ciidamo ka soo tallaabay Maamulka Putland, kuwaasoo si toosa ugu jira dagaalka saaka, waxaa kale oo iyana dagaalka qayb ka ah Ciidamada la baxay Khaatumo.
 
Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka, wadamada Jaarka ah, Midawga Africa, Urur Gobeedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabka in dagaalka Laascaanood ay iska kaashadeen kooxo argagixiso ah iyo Maamulka Putland oo si aan gabasho lahayn dagaalka ugu jira.
 
Somaliland waxay ku suntan tahay nabad iyo horuumar, waxayna ku jirtaa is difaac iyo in ay shacabkeeda ka difaacdo cadawga ku soo duulay.
 
Waxaa kale oo aanu Beesha Caalamka la socodsiinaynaa iyo Shacabka Somalilandba in Maamulka Putland dagaal ka abaabulayo Garoowe, iyagoo qorshanaya in ay soo weeraraan fadhiisimada Ciidamada Somaliland ee Jiida hore, waxayna Ciidanka diyaar u yihiin is difaac.
 
Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland.

Latest stories