HomeWararMareykanka oo War kasoo saaray Shirkii Madaxda Somalia iyo dalalka safka hore

Mareykanka oo War kasoo saaray Shirkii Madaxda Somalia iyo dalalka safka hore

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa War kasoo saartay shirkii shalay Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Kenya, Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya ku yeesheen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qoraal kooban oo kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa waxa  lagu taageeray shirkii Madaxda ee shalay qabsoomay, ee looga hadlaayay sidii loo mideyn hawgallada lagula dagaalamayo wax loogu yeerp […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa War kasoo saartay shirkii shalay Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Kenya, Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya ku yeesheen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa waxa  lagu taageeray shirkii Madaxda ee shalay qabsoomay, ee looga hadlaayay sidii loo mideyn hawgallada lagula dagaalamayo wax loogu yeerp Argagixisada.

- Advertisement -

Mareykanka ayaa boggaadiyay midnimada ay hogaamiyeyaasha Soomaaliya, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya ay ku wajahayaan dagaalka Al-shabaab iyo amniga Geeska Afrika.

“Waxaan ugu hambalyeyneynaa hogaamiyeyaasha geeska afrika midnimadooda iyo dadaalka looga xoraynayo Soomaaliya oo dhan rabshadaha argagixisada iyo xoojinta amniga dhammaan Bariga Afrika” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-murtiyeed shirka laga soo saaray ayaa lagu sheegay inay madaxda ay isla garowsadeen baahida loo qabo iskaashi sare loogu qaadayo garab is-taagga dalalka deriska ah ee la xiriira dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.

- Advertisement -

Madaxda ayaa wadajir u bogaadiyey guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howlgalladii lagu xoreeyey deeganno badan oo ka tirsan dalka, waxa ayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay In la sameeyo hawlgallo ay si wada jir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo  Ciidamada Dawladdaha Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo lagula dagaalayo Al-Shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts