HomeWararGuddoomiyaha Golaha Shacabka oo Soo Xiray Wajiga Koowaad ee Shirka Dib u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Soo Xiray Wajiga Koowaad ee Shirka Dib u Heshiisiinta KGS

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta soo xiray wajiga koowaad ee Shirka Dib u Heshiisiinta KGS oo ay ka qeyb galeen Golaha Odoyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed iyo Guddiga Farsamada Shirka Dib u Heshiiniinta KGS. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gunaanadka wajiga koowaad ee shirka soo xiray […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta soo xiray wajiga koowaad ee Shirka Dib u Heshiisiinta KGS oo ay ka qeyb galeen Golaha Odoyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed iyo Guddiga Farsamada Shirka Dib u Heshiiniinta KGS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gunaanadka wajiga koowaad ee shirka soo xiray ayaa Guddiga Farsamada Shirka iyo Guddiga ay iska soo xuleen malaaqyada dhaqanka waxa ay la wadaageen warbxin ku aaddan qiimeyn ay ka sameeyeen dhacdooyinkii dhacay. Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa guddiga odayaasha dhaqanka ku wareejiyay lacag loogu tala galay ehelada dadkii ku dhintey, daaweynta dadkii ku waxyeeloobay, laguna dayactiro guryihii ku burburay Dhacdadii 23-kii December 2022, isagoona xusay wixii culeys ah ee ka yimaada la xalin doono, ismarkaana wixii warbxintooda dib ay ugu soo celiyaan Guddoomiyaha.

- Advertisement -

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa gabagabada shirka, waxaa uu ku dhawaaqay inuu si rasmi ah u furan yahay wajiga labaad ee Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaas oo diirada lagu saari doono xasiloonida siyaasada iyo la dagaallanka kooxda Khawaariijta Al-Shabaab, iyadoo lagu wado in wajiga 2aad ee dagaalka Khawaariijta ka bilaawdo deegaanada Koonfur Galbeed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts