HomeWararMareykanka oo sheegay inay duqeyn ku dileen Xubno ka tirsan AL-Shabaab

Mareykanka oo sheegay inay duqeyn ku dileen Xubno ka tirsan AL-Shabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Militariga Mareykanka ayaa sheegayi in duqeyn cusub oo ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen xubno ka tirsan dagaalamaayasha Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in kadib codsi ka yimid dowladda federaalka in ayada oo la taageerayo ciidamada xoogga dalka ay duqeyntan 23-kii Janaayo ka dhacday meel u dhow […]

- Advertisement -

Militariga Mareykanka ayaa sheegayi in duqeyn cusub oo ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen xubno ka tirsan dagaalamaayasha Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in kadib codsi ka yimid dowladda federaalka in ayada oo la taageerayo ciidamada xoogga dalka ay duqeyntan 23-kii Janaayo ka dhacday meel u dhow magaalada Xarardheere.

- Advertisement -

Qoraalka ayaa intaas ku daray in qiimeyn horudhac ah ay sheegeyso in weerarka lagu dilay laba ka mid ah Al-Shabaab. AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay in aanay jirin rayid dhaawac ama dhimasho uu kasoo gaaray weerarka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa shalay warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal ay ka fuliyeen deegaan hoostaga Xarardheere ay ku dileen 39 ka mid ah Al-Shabaab. Ma cadda haddii labada dhacdo ay xiriiraan.

Waa weerarkii labaad oo saddex maalmood gudahood ay Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya. AFRICOM ayaa sidoo kale weerar ka dhacay magaalada Galcad ee gobolka Gaduud 20-kii Janaayo waxay ku dileen 30 ka mid ah Al-Shabaab.

- Advertisement -

Galcad iyo Xarardheere ayaa waxaa dhowaan la wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya dadka deegaanka, kadib sanado badan oo ay haysteen Al-Shabaab.

Latest stories