HomeWararHay’adda  Caafimaadka Aduunka ee (WHO ) oo Xukuumadda ku amaantay xakamayntii Covid19

Hay’adda  Caafimaadka Aduunka ee (WHO ) oo Xukuumadda ku amaantay xakamayntii Covid19

Date:

Related stories

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada XFS Dr. Cali Xaaji Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Geneva ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda  Caafimaadka Aduunka ee (WHO ) waxaa lagu guddoonsiiyey bilad sharaf weyn oo uu guddoonsiiyay madaxa Hay’adda  Caafimaadka Adduunka  Dr. Tedros. Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada ee XFS ayaa waxay abaal […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada XFS Dr. Cali Xaaji Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Geneva ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda  Caafimaadka Aduunka ee (WHO ) waxaa lagu guddoonsiiyey bilad sharaf weyn oo uu guddoonsiiyay madaxa Hay’adda  Caafimaadka Adduunka  Dr. Tedros.

Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada ee XFS ayaa waxay abaal marintan ku mutaysatay hirgalinta xarumo caafimaad oo ku shaqeeya tamarta qorraxda. Xarumahan caafimaad ayaa waxay bixiyaan adeegyo caafimaad oo kala duwan.

- Advertisement -

Waxaana xusid mudan in xiligii uu dalka saameeyay COVID-19 ay wasaaraddu ku guulaysatay hirgalinta warshadaha dhaliya hawada (Oxygen) kuwaas oo 100% ku shaqeeya tamarta cadceedda, waxaana laga hirgaliyay gobollada kala duwan ee dalkeena Soomaaliya.

Bilowga faafinta goobaha caafimaad ee ku  shaqeeya cadceedda ayaa ah qorshe weyn oo ay wado Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada ee XFS. Qorshahan ayaa waxaa laga damacsanyahay in uu kor u qaado tirada iyo tayada adeega caafimaadka ee dalkeena Soomaaliya.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale waxay ka qayb galeen kulamo gaar-gaar ah oo ay la yeesheen waaxaha kala duwan ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada farsamo ee hey’adu ay siiso dalkeena Soomaaliya.

- Advertisement -

Ugu danbayn kulamada oo socon doona ilaa 24 ka Bishaan Janaayo ayaa waxaa la rajaynayaa inay guulo badan u soo hooyaan hanaanka caafimaadka ee Soomaaliya.

Latest stories