HomeWararWararkii ugu dambeeyay Rasaas wali laga dhex-maqlayo Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

Wararkii ugu dambeeyay Rasaas wali laga dhex-maqlayo Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar Qarax ku billawday oo goordhaweyd ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan weerarkaasi lagu qaaday Xurunta Gobolka.

Weerarka ayaa ku billawaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa kaasi oo lagu dhuftay Al-Baaabka dambe ee xarunta, waxaana xigay weerar toos ah oo gudaha ay ku galeen xubno ka tirsan AL-Shabaab oo ilaa iyo hatan aan la ogayn tiradooda.

- Advertisement -

Jugta qaraxa ayaa si weyn looga maqlay Degmooyin  iyo xaafado ka tirsan Caasimadda dalka, waxaana xigtay rasaas toos ah oo la isku adeegsaday kadib weerarka ay gudaha ku galeen dableyda hubaysan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa tilmaaamaya in xarunta ay haatan ka dhex-dagaalamayaan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaasta ka socota Gudaha Xarunta.

Xarunta ayaa ilaa iyo haatan waxaa laga soo saaray dad aad u badan, kuwaasi oo ku sugnaa markii werarku dhacayay, waxaana ka mid ah shaqaalaha xarunta Gobolka oo sida la sheegay ay ku jiraan Masuuliyiin.

- Advertisement -

Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, balse waxaa la aaminsan yahay inuu  jiro dhimasho iyo dhaawac uu dhaliyay qaraxu, maaddaama uu ahaa qarax ismiidaamin ah oo aad u xooggan.

Ciidanka ammaanka wali la dagaalamaya xubnaha ugu galay xarunta, sidoo kale sawiro iyo muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad u badan shaqaalaha Gobolka oo kasoo boodaya daaqadaha dhismayaasha Xarunta.

Wali laamaaha aammaanka iyo maamulka Gobolka wax war ah kama soo saarin weerarka maanta lagu qaaaday Xarunta Gobolka Banaadir, sidoo kale ma cadd khasaaraha Rasmiga ah.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.

 

Latest stories