HomeWararDowladda Federaalka oo War kasoo saartay Weerarkii lagu dilay Taliye Xasan Tuure

Dowladda Federaalka oo War kasoo saartay Weerarkii lagu dilay Taliye Xasan Tuure

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay weerarkii qaraxyada ku bilowday ee saaka Al-shabaab ay ku qaaday degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, weerarkaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac .

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in 100 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab saaka la dilay, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku yaalla Magaalada Galcad.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in Dagaal culus oo halkaas ka dhacay Shabaabka looga gubay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa shan gaari, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo ay Shabaabka xilli hore ku qabsatay dagaalo dhacay.

Dowladda ayaa shaacisay in weerarkii qaraxyada ku bilowday ee Al-shabaab ku qaaday Galcad looga dhigay 7 askari oo uu ku jiro Taliye ku-xigeenkii ciidamada kumaandooska DANAB, kaasi  lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuure).

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay u mahadcelisay Saaxiibada Caalamiga ah oo gacan ka gaystay dagaalka lagu dilay Shabaabka, waa sida lagu sheegay Warka kasoo saaray  Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.

Dhinaca kale Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada weerarkii Galcad ka dhacay, iyagoona sheegtay inay ku dileen 150 askari oo ka tirsanaa Ciidanka xoogga, waa sida ay sheegteen Shabaabka.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Dowladda ay soo saartay 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories