HomeWararMaxay tahay sababta ay isku Casishay Guddoomiyihii maxkamadda ugu sarreyso Itoobiya?

Maxay tahay sababta ay isku Casishay Guddoomiyihii maxkamadda ugu sarreyso Itoobiya?

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarreysa dalka Itoobiya, Meaza Ashenafi iyo ku xigeenkeeda Solomon Areda ayaa si lama filaan xilkii isaga casilay. Ma aysan sheegin sababta ay isku casileen. Meaza Ashenafi oo horey ugu ololeyn jirtay arrimaha haweenka ayaa sanadkii 2018 loo magacaabay xilkan, waxaana loo arkay tallaabo isbaddal ah oo uu waday Abiy Axmed markii uu […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarreysa dalka Itoobiya, Meaza Ashenafi iyo ku xigeenkeeda Solomon Areda ayaa si lama filaan xilkii isaga casilay.

Ma aysan sheegin sababta ay isku casileen.

- Advertisement -

Meaza Ashenafi oo horey ugu ololeyn jirtay arrimaha haweenka ayaa sanadkii 2018 loo magacaabay xilkan, waxaana loo arkay tallaabo isbaddal ah oo uu waday Abiy Axmed markii uu xilka qabtay.

Tan iyo dabayaaqadii 1980s waxay aheyd garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee Itoobiya, waxay markii dambe sameysay urur ay ku mideysan yihiin haweenka qareenka ah ee Itoobiya si ay u caawiyaan haweenka u baahan adeegyada sharciga ah.

Meaza Ashenafi waxay ku lug laheyd kiis caan ahaa oo xitaa lagu soo bandhigay filimka Hollywood-ka ay soo saare ka aheyd Angelina Jolie

Latest stories