HomeWararAL-Shabaab oo Weerar Is-miidaamin ah ku dishay Kornayl Shataqeey

AL-Shabaab oo Weerar Is-miidaamin ah ku dishay Kornayl Shataqeey

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa arroornimadii hore ee saaka weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday degaanka Xawaadley oo u dhow degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadibna waxaa halkaas ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeyay labada dhinac. Wararka ayaa sheegaya in dagaalamaayasha Al-shabaab ay weerar Qaraxyo ku billawday ay la beegsatay Saldhig ciidamada xoogga iyo kuwa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa arroornimadii hore ee saaka weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday degaanka Xawaadley oo u dhow degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadibna waxaa halkaas ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeyay labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalamaayasha Al-shabaab ay weerar Qaraxyo ku billawday ay la beegsatay Saldhig ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ay ku leeyihiin degaanka Xawaadley, waxaana dagaal culus uu dhexmaray ciidanka dowladda iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday.

- Advertisement -

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, Saraakiisha ciidanka dowladda uga dhimatay waxaa kamid ah Taliyahii Guutada 3-aad Qaybta 27-aad ee Milatariga Soomaaliya Kornayl Abshir Maxmuud Maxamed (Shataqeey).

Wararka ayaa intaa ku daraya inuu jiro khasaaro kale oo gaaray Askar ka tirsan ciidamada dowladda, illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada xoogga iyo Maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan weerarkii saaka ka dhacay degaanka Xawaadley, kaasi oo lagu soo waramayo inuu dhaliyay khasaare xooggan.

Degaanka Xawaadleya ayaa ka  mid ahaa degaanada Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ay dhawaan kala wareegeen Al-shabaab, waxaaana Xawaadley ay u dhaw dahay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana Ciidanku ay halkaasi ku lajhaayeen fariisimo Ciidan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts