HomeCaalamkaDiyaarad ku burburtay meel u dhow Garoonka Nepal & Meydad farabadan oo...

Diyaarad ku burburtay meel u dhow Garoonka Nepal & Meydad farabadan oo la helay

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Diyaarad Rakaab oo ay la socdeen 72 qof ayaa Maanta goor horey ku burburtay Galbeedka caasimada dalka Nepal ee Kathmandu. Diyaaradda ayaa ka duushay Caasimadda,  waxayna ku sii jeeday Degmada Pokhara ee loo dalkiisa tago, taasi oo 240 KM u jirta Caasimadda dalkaasi.

Kooxaha Gurmadka ayaa waxay ilaa haatan heleen meydadka 36 qof oo ka mid ahaa Rakaabkii la socday Diyaarada burburtay oo nooceedu ahaa ATR-72.

Diyaaradda ayaa waxay ku burburtay Dhul-Kaymo ah ku yaalla Jiinka Webiga Setu Gandik oo u dhexeeya Garoonkii hore ee Duullimaadyada Gudaha (The old domestic Airport) iyo Garoonka Caalamiga ee Pokhara International Airport.

Afhayeen u hadlay Shirkadda Yelti Airlines,  Sudarshan Bartaula ayaa sheegay inay Diyaaradda oo aheyd nooca labada Matoor leh ay la socdeen 72 qof, oo ay 68 Rakaab ahaa iyo 4 Shaqaalihii  Diyaaradda.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay inay 53 la mid ah Rakaabka ay u dhasheen dalka Nepal iyo 15 qof oo Ajnabi ah iyo 3 carruur ah.

Ma aha Shilkii Diyaaradeed ee u horeeyey ee ka dhaca dalka Nepal, iyadoo sanadkii 2018-kii,  Diyaarad Rakaab oo ka timid dalka Bangladesh ay burburtay, xilli ay ku degi lahayd Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda dalka Nepal ee Kathmandu, iyadoo ay ku geeriyoodeen 49 qof oo ka mid ahaa 71-kii qof ee la socday Diyaaradaasi oo ay lahayd Shirkadda US-Bangla.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories