HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Warbixin la xiriirta howlgalada socda siiyay Midowga Yurub

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warbixin la xiriirta howlgalada socda siiyay Midowga Yurub

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tina Intelman iyo qaar ka mid ah Danjireyaasha dalalka Midowga Yurub u jooga dalka ayaa uga warbixiyey guulaha laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo Alshabaab, dhammeystirka Dastuurka, Dimuquraadiyeynta iyo Dayn cafinta. Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha la wadaagay sida […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tina Intelman iyo qaar ka mid ah Danjireyaasha dalalka Midowga Yurub u jooga dalka ayaa uga warbixiyey guulaha laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo Alshabaab, dhammeystirka Dastuurka, Dimuquraadiyeynta iyo Dayn cafinta.

Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha la wadaagay sida Ciidamada Qaranka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug .

- Advertisement -

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in halganka dib u xoreynta dalka uu barbar socdo qorshaha dhammeystirka dhismaha hay’adaha muhiimka u ah dowladnimada iyo xaqiijinta himmilooyinka ay muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka, dhammeystirka Dastuurka, dayn cafinta, xoojinta Dimuquraadiyeynta, Federaaleynta  iyo adkaynta dowladnimada.

Dhankooda, Safiirada oo bogaadiyey howlgallada xoreynta deegannada ay ku sugnaayeen Shabaabka ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gacan-siinayaan arrimaha hortebinta u leh oo ay ugu horreeyaan la wareegidda amniga guud ee dalka,  xoojinta federaaleynta, daadejinta hannaanka dowliga ah, saamaynta Isbaddalka cimmilada iyo Gargaarka Beni-aadannimada.

Latest stories