HomeWararDowladda Somalia oo Midowga Yurub kala hadashay taageerada Laamaha Ammaanka

Dowladda Somalia oo Midowga Yurub kala hadashay taageerada Laamaha Ammaanka

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa kulamo natiijo wanaagsan ka soo baxeen la yeeshay  madax sar sare oo ka tirsan Midowga Yurub. Masuuliyiinta ay Wasiir Abshir Cumar Huruuse iyo wafdigii […]

- Advertisement -

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa kulamo natiijo wanaagsan ka soo baxeen la yeeshay  madax sar sare oo ka tirsan Midowga Yurub.

Masuuliyiinta ay Wasiir Abshir Cumar Huruuse iyo wafdigii La socday la kulmeen waxaa ka mid ahaa Wakiilka sare ee arrimaha dibedda, siyaasadda iyo amniga  u qaabilsan Midowga Yurub Josep Borrell iyo 27 danjire ee wadamada Yurub u jooga xarunta Brussels, waxayna  kala hadleen qorshayaasha hor-tebinta u leh dowladda  Federaalka Soomaaliya iyo siday muhiimka u tahay garab istaagga  Midowga Yurub.

- Advertisement -

Wasiirka oo ay weheliyaan saraakiil sar sare oo ka kala socday xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa madaxda Midowga Yurub kala hadlay taageerada xagga laamaha ammaanka,  dib u heshiisiinta , kor u qaadidda horumarinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga.

Kulamada dhex-maray wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa lagu soo qaaday sidii  kuwa guulaysta ay u noqon lahaayeen mashaariicda ay Midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya iyagoo la waafajinayo qorshaha horumarinta qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga Wasiir Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) ku weheliyay shirarkan muhiimka ah waxaa ka mid ahaa Aways Xaaji oo ah  madaxa la-taliyayaasha Madaxweynaha, Xuseen Macalin la-taliyaha amniga qaranka,  Axmed-Nuur Maxamed oo ah la-taliye sare xafiiska Raisul Wasaaraha, Jibriil Aw Maxamed  la-taliyaha siyaasadda dibadda ee wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Danjire Yoonis Xaashi oo ah safiirkeenna Brussels.

Latest stories