HomeWararShirka Wasiirada Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho

Shirka Wasiirada Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Waxa maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho shir u dhaxeeyey wasiirrada maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada dalka iyo Maamulka gobolka Banaadir. Shirkan oo muddo sadex maalin ah socday ayaa lagu gorfeeyey arrimaha maaliyadda dalka, hannaanka mideynta canshuuraha iyo qeybsiga deeqaha kabka miisaaniyadeed ee Saaxiibadda caalamku ay  Soomaaliya ku taageeraan. Shirka ayaa sidoo kale looga […]

- Advertisement -

Waxa maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho shir u dhaxeeyey wasiirrada maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada dalka iyo Maamulka gobolka Banaadir.

Shirkan oo muddo sadex maalin ah socday ayaa lagu gorfeeyey arrimaha maaliyadda dalka, hannaanka mideynta canshuuraha iyo qeybsiga deeqaha kabka miisaaniyadeed ee Saaxiibadda caalamku ay  Soomaaliya ku taageeraan.

- Advertisement -

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeynta ka dhexeeya wasaaradaha maaliyadda heer federaal iyo dowlad Goboleed.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo xiritaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in kulanka wasiirrada maaliyadda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu ku soo dhammaaday jawi is af-garad ah iyo oo miradhal ah, arrimaha maaliyadda iyo hirgelinta mideynta canshuuraha Dekedaha dalka iyo guud ahaan dhaqaalaha.

Dhankooda, waxa sidoo kale shirka hadallo ka jeediyey wasiirrada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir, iyagoo ayiday qodobada ka soo baxay shirka.

- Advertisement -

Wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada ayaa sheegay in la isku afgartay inta badan doodihii ay ka yeesheen hannaanka maaliyadda dalka iyo arrimaha kale oo muhiim u ah dib u-habaynta hannaanka maaliyadda dalka.

Shirka ayaa waxa aan ka soo qeybgalin wasiirka maaliyadda Puntland oo la sheegay inuu arrimo shaqo uga cudurdaartay kulanka wasiirrada maaliyadda.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeedka ay saxiixeen wasiirrada maaliyadda dowladda FS, dowlad Goboleedyada iyo  maamulka gobolka Banaadir.

Latest stories