HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka sannadlaha ah ee Garsoorka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka sannadlaha ah ee Garsoorka dalka

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud oo furay shirka sannadlaha ah ee garsoorka dalka ayaa xusay muhiimadda ay u leedahay dowladnimada Soomaaliyeed mideynta hannaanka shaqo ee garsoorka iyo hirgelinta caddaaladda. Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay qaadday tallaabooyin muhiim u ah awoodsiinta garsoor hufan, iyadoo shirarkii Madasha Wadatashiga ee Muqdisho ku soo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud oo furay shirka sannadlaha ah ee garsoorka dalka ayaa xusay muhiimadda ay u leedahay dowladnimada Soomaaliyeed mideynta hannaanka shaqo ee garsoorka iyo hirgelinta caddaaladda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay qaadday tallaabooyin muhiim u ah awoodsiinta garsoor hufan, iyadoo shirarkii Madasha Wadatashiga ee Muqdisho ku soo gabagaboobay bishii la soo dhaafay lagu ansixiyey hannaanka Federaaleynta Garsoorka, dowladdana ay ka go’an tahay adkeynta madax-bannaanida iyo kalsoonida shacabku ay ku qabaan hay’adaha caddaaladda.

- Advertisement -

“Garsoorku waa madax-bannaan yahay. Golaha Saree e Adeegga Garsoorka waxaa loo sameynayo waa in aan la faro gelin. Ma dooneyno dalka Soomaaliya guduhiisa in ay ku noolaadaan labo muwaadiniin oo kala xuquuq ah oo lakala faddilo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bahda caddaaladda kula dardaarmay in ay ku dadaalaan sugidda caddaaladda oo ay ka fogaadaan garab-siinta qofka dulmiga wada, isagoo hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay tayeynta iyo xoojinta awoodda iyo kartida hay’adaha fulinta caddaaladda.

“Labo Waxyaalood in aan laysku khaldin baan rabnaa, dalka in la federaaleeyo waa mid ku saleysan la isku hayo oo hal dal uu yahy. Midda kale, dalka in la federaaleeyo macnaheeda mahan in qofba Meesha uu rabo uu iska aadi karo oo dalku kala tago, maya taas”.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in nabadda iyo caddaaladdu ay aas-aas u tahay nolasha iyo dowladdnimada waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan, codkooda iyo caqligoodana ay ku garab istaagaan xaqiijinta himiladooda ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts