HomeWararMasuuliyiin ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray magaalada Addis Ababa

Masuuliyiin ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray magaalada Addis Ababa

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya, halkaa oo ay ku soo dhaweysay Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges. Wasiir Fardowsa iyo wafdiga ay hoggaaminayso ayaa muddada ay ku sugan yihiin Itoobiya ,waxaa ay wada-hadallo la […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya, halkaa oo ay ku soo dhaweysay Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges.

Wasiir Fardowsa iyo wafdiga ay hoggaaminayso ayaa muddada ay ku sugan yihiin Itoobiya ,waxaa ay wada-hadallo la xiriira horumarinta Duulimaadyada, iskaashiga iyo Khibrad wadaaga la qaadanaya mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka Dalka Itoobiya.

- Advertisement -

“ Itoobiya waa mid ka mid ah waddamada gobolka ee aan la leenahay iskaashiga horumarinta dhinacyada Duulimaadka iyo khibrad wadaaga.. waxaana hadda u tagnay Addis Ababa si aan u dhammeystirno is-afgaradka dhinacyadaa la xiriira.” Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa sidaa sheegtay.

Socdaalkan waxaa qeyb ka ah Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya , Axmed Macallin iyo Maareeye ku-xigeenka Hay’adda , Saciid Maxamed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts