HomeWararTirada khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii ka dhacay Degmada Maxaas oo sii korortay

Tirada khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii ka dhacay Degmada Maxaas oo sii korortay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Dhimashada labadii qarax ee shalay ka dhacay degmada Maxaas ayaa gaartay 35 qof, halka dhaawuna uu yahay 40, sida uu wakaalada wararka ee Reuters uu u sheegay Xasan-kaafi Maxamed Ibraahim oo ah taliye ku-xigeenka Booliska Hirshabeelle. Dadka ku dhintay qaraxyadan ayaa waxaa ka mid ahaa 10 qof oo isku qoys ahaa, sida uu VOA u […]

- Advertisement -

Dhimashada labadii qarax ee shalay ka dhacay degmada Maxaas ayaa gaartay 35 qof, halka dhaawuna uu yahay 40, sida uu wakaalada wararka ee Reuters uu u sheegay Xasan-kaafi Maxamed Ibraahim oo ah taliye ku-xigeenka Booliska Hirshabeelle.

Dadka ku dhintay qaraxyadan ayaa waxaa ka mid ahaa 10 qof oo isku qoys ahaa, sida uu VOA u sheegay Jaamac Maxamed Cali oo ka tirsan qoyska dhibku soo gaaray.

- Advertisement -

“Dadka dhintay intooda badan waa dad rayid ah, waana haween iyo carruur,” ayuu yiri Xasan-kaafi Maxamed Ibraahim oo ah taliye ku-xigeenka booliska dowlad-goboleedka Hirshabeelle oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Weerarkii ka dhacay degmada Maxaas ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee ay Al-shabaan qaaddo tan iyo markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka huwanta ah ay sannadkii hore bilaabeen inay Al-shabaab ka saaraan dhul ay muddo dheer gacanta ku hayeen.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadan. Sannadkii hore ayaa ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee Mawisleyda oo taageero ka helayay ciidamada Maraykanka iyo kuwa Midowga Afrika ay Al-shabaab ka saareen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Latest stories