HomeWararCali Guudlaawe oo si kulul uga hadlay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu...

Cali Guudlaawe oo si kulul uga hadlay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu Qaaday Maxaas

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Goleyaasha maamulka  iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii ku dhintay weerarkii AL-Shabaab ay ku qaadeen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Madaxweynaha ayaa markale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed  in si wadajir ah ay uga […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Goleyaasha maamulka  iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii ku dhintay weerarkii AL-Shabaab ay ku qaadeen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa markale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed  in si wadajir ah ay uga qeybgalaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

- Advertisement -

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dhamaan dadkii ku shahiiday qaraxii saaka ee degmada Maxaas in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka bandanna waa ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku sugan yahay Maxaas,kadib weerar ay AL-Shabaab ku qaadeen degmadaasi.

Guryaha lagu weeraray Qaraxyada ayaa waxaa ka mid ah guriga uu Maxaas ka degan yahay xildhinaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid ahaa xildhibaanada Golha Shacabka, waloow annu xildhibaan Jacfar joogin Maxaas xilliga uu dhacay qaraxan, halka kan kalena uu ka dhacay guriga guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.

Latest stories