HomeWararWasiirka Maaliyadda oo Golaha Shacabka warbixin ka siiyey  hindise Sharciyeed

Wasiirka Maaliyadda oo Golaha Shacabka warbixin ka siiyey  hindise Sharciyeed

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 7-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo ay wehliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka maanta oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee hindisa sharciyeedka cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman, iyo warbxinta xildhibaannada deegaan doorashooyinkoodu ugu maqnaa dagaalka Al-Shabaab.

- Advertisement -

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xildhibaannadda Golaha Shacabka warbixin ka siiyey  hindise sharciyeedka cunaqabatayn maaliyadeed ee cayiman. Wasiirka ayaa sharraxaad ka bixiyay muhiimadda sharcigan inuu dalka wax ka bedeli karo nidaamka maaliyadeed ee dalka. Xildhibaannadda Golaha Shacabka ayaa iyagana waxay soo jeediyeen in  dib loo saxo qaladaad ka jiray buugga loo qeybiyay Golaha.

Dhanka kale Xildhibaannada qaar ee Golaha Shacabka ayaa ka warbixiyay xaalada deegaan doorashooyinkooda kuwaaso kala matalaayay Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, iyagoo sheegay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagaxisada lana gaarsiiyo gargaar deegaannada la xorreeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa soo jeediyay in guddi loo saaro arrinta Gobolka Sool, isagoo muujiyey in ay tahay wax laga xumaado loona turo dadka shacabka ah.

Latest stories