HomeCaalamkaMid kamida Dowladdaha Khaliijka oo qabatay ku dhawaad 30 tan oo Maandooriye...

Mid kamida Dowladdaha Khaliijka oo qabatay ku dhawaad 30 tan oo Maandooriye ah

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa Arbacadii sheegtay inay qabteen ku dhawaad 30 tan oo qaadka yar yar ah ee maandooriyaha ah bishan, taasoo qayb ka ah olole ballaaran oo lagu qaaday maandooriyaha oo ay waddo Boqortooyada qaniga ku ah shidaalka. Maamulka xudduudaha Sacuudiga ayaa 29.2 tan oo qaad ah ku qabtay koonfurta dalkaasi, una dhow xudduudda […]

- Advertisement -

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa Arbacadii sheegtay inay qabteen ku dhawaad 30 tan oo qaadka yar yar ah ee maandooriyaha ah bishan, taasoo qayb ka ah olole ballaaran oo lagu qaaday maandooriyaha oo ay waddo Boqortooyada qaniga ku ah shidaalka.

Maamulka xudduudaha Sacuudiga ayaa 29.2 tan oo qaad ah ku qabtay koonfurta dalkaasi, una dhow xudduudda Yemen, iyo sidoo kale waqooyiga u dhow Urdun, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Sacuudiga.

- Advertisement -

Qaadkan ayaa la qabtay intii u dhaxaysay 3-24 December, sida ay sheegtay walaaladda SPA, waxaana la xiray in ka badan 360 mukhalasiin ah oo la sheegay in ay u badan yihiin Yemeni, iyada oo sidoo kale la xiray qaar kale oo Itoobiyaan iyo Suncuudiyiin ah.

Dalka Yemen oo ay dagaallo sokeeye ka socdeen tan iyo sannadkii 2014-kii, isla markaana muddada dheer dalalka Jaziiradda Carabta ugu faqiirsanaa, ayaa ah dalka ugu badan ee soo saara, isla markaana cuna Qaadka, kaasoo mamnuuc ka ah dalalka qaarkood.

Maandooriyaha qaadka ayaa caan ka ah Yemen, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Latest stories