HomeWararErdogan oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Israa'iil ee Turkiga

Erdogan oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Israa’iil ee Turkiga

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Israa’iil u fadhin doona dalka Turkiga Talaadadii, iyadoo labada dal ay caadi ka dhigeen xiriirka ka dhexeeya sanado xiisad ah kadib. Turkiga iyo Israa’iil ayaa bilaabay inay hagaajiyaan xiriirka ay la leeyihiin kadib booqashooyin heer madaxeed ah sanadkan oo uu ku jiro […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Israa’iil u fadhin doona dalka Turkiga Talaadadii, iyadoo labada dal ay caadi ka dhigeen xiriirka ka dhexeeya sanado xiisad ah kadib.

Turkiga iyo Israa’iil ayaa bilaabay inay hagaajiyaan xiriirka ay la leeyihiin kadib booqashooyin heer madaxeed ah sanadkan oo uu ku jiro booqashadii madaxweynaha Israel Isaac Herzog ee Ankara, waxayna ku heshiiyeen inay wada magacaabaan safiiro.

- Advertisement -

Labadan dal ayaa ku heshiiyay “in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa marxalad cusub oo xiriir ah” oo ku saleysan ixtiraamka danaha labada dhinac.

Irit Lillian, oo aheyd ku simaha safiirka Israel u qaabilsanaa Ankara tan iyo Janaayo 2021, ayaa noqotay safiirka cusub, kadib markii ay warqadaha kalsoonida u gudbisay Erdogan.

Labadan dal oo mar ahaa xulufada iskugu dhow gobolka, ayaa muddo ka badan 10 sanadood xiriirkoodu ahaa mid aan wanaagsaneyn, iyadoo Ankara ay eriday safiirkii Israel kadib markii 2010-kii ay Israa’iil weerar ku qaaday markab gargaar u siday Gaza, kaasoo ay ku dhinteen 10 muwaadin oo Turki ahaa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts