HomeWararDowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay Shirkad Shidaal baaris ka wadda Somaliland

Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay Shirkad Shidaal baaris ka wadda Somaliland

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay wasaaradda si dhow ula socoto howl-galka sharci darrada ah ee la doonayo in Shidaalka looga baaro Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee loo yaqaano Somaliland.

Wasaaradda ayaa tilmaamtay un howlgalka ay fulineyso shirkad lagu magacaabo Genel Energy PLC oo sheegtay in ay fasax u heysato baarista iyo ka faa’ideysiga kheyraadka batroolka ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Qoraalka wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay si cad u diidday sheegashada Genel Energy PLC ee ah in ay leedahay sharci ay batroolka ama shidalka uga baarto gobollada Waqooyi ee Soomaaliya

Dowladda ayaa ugu baaqday shirkadda Genel Energy PLC inay joojiso sheegashada sharci darrada ah ee ay ku leedahay xuquuqdeeda batroolka iyo inay fuliso hawlgal shidaal oo xadgudub ku ah madax bannaanida, dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya. .

 

- Advertisement -

Latest stories