HomeWararCiidamada dowladda Federaalka oo xiray Waddooyinka ugu muhiimsan Muqdisho

Ciidamada dowladda Federaalka oo xiray Waddooyinka ugu muhiimsan Muqdisho

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa Maanta xiray inta badan waddooyinka waaweyn ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoona la joojiyay isku socodka gaadiidka noocyadiisa kala duwan. Ciidamada ayaa gawaarida iyo mootooyinka u diiday inay maraan waddooyinka Muqdisho, isla markaana jidadka ku xiray dhagxaan iyo biro, si aysan u maran gaadiidka, waxaana […]

- Advertisement -

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa Maanta xiray inta badan waddooyinka waaweyn ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoona la joojiyay isku socodka gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada ayaa gawaarida iyo mootooyinka u diiday inay maraan waddooyinka Muqdisho, isla markaana jidadka ku xiray dhagxaan iyo biro, si aysan u maran gaadiidka, waxaana loo ogyahay wadada gaadiidka ay saaran yihiin Askarta.

- Advertisement -

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa Maanta joojisay dhammaan duulimaadyadii Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana Qoraal kasoo baxay hay’adda duulista Rayidka lagu sheegya in ilaa 06:00 PM uu xirnaan doono Garoonka.

Wadooyinkan ayaa loo xiray imaanshaha madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta kusoo wajahan magaalada Muqdisho, waxaana hadda socda qaban qaabada soo dhaweynata madaxweynaha.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa magaalada Muqdisho u imaanaya in uu xarigga ka jaro  dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA, xaruntan dhismaheeda waxaa horey u dhagax dhigay Madaxweyne Geelle.

Latest stories