HomeWararWasiir Fiqi iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Booqasho Todobaad ah uga bilaabatay...

Wasiir Fiqi iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Booqasho Todobaad ah uga bilaabatay Pakistan

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa booqasho todobaad ah waxaa ay uga bilaabatay Jamhuuriyadda Islaamiga ee Pakistaan. Wafdiga wasiirka oo ay qeyb ka yihiin Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka, Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ayaa inta ay joogaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa booqasho todobaad ah waxaa ay uga bilaabatay Jamhuuriyadda Islaamiga ee Pakistaan.

Wafdiga wasiirka oo ay qeyb ka yihiin Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka, Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ayaa inta ay joogaan dalkaasi waxaa ay geli doonaan kulammo iyo doodo la xiriira arrimaha federaalka, dastuurka, maamul daadejinta, dowlad dhiska iyo diiwaangelinta dadweynaha.

- Advertisement -

Mudane Ahmed Moallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo mas’uuliyiinta la socotay waxaa ay maanta kulan gaar ah la yeesheen hay’adda diiwaangelinta Pakistaan ee NADRA, taas oo dowladda Soomaaliya ka gacan siin doonta aqoonsiga qaranka iyo diiwaangelinta dadweynaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo khudbad kajeediyay kulankaasi ayaa waxaa uu ugu horreyn ka hadlay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Pakistaan tan iyo 1960-kii, iyada oo labada dal ay ahaayeen xubnihii wax ka aasaasay ururka Iskaashiga Islaamka iyo sida dalkaasi qeyb u ahaa dadaalladii nabad ilaalinta xilligii dagaallada sokeeye.

Safarkan ayuu mudane Ahmed Moallim Fiqi ku sheegay in ay wax badan uga faa’ideysan doonaan khibradda Pakistaan ee la xiriirta federalism-ka, nidaamyada dowladaha hoose iyo hannaanka diwaangelinta iyo aqoonsiga.

- Advertisement -

Kulanka waxaa sidoo kale ku jiray hay’adaha UNDP Soomaaliya iyo UNDP Pakistaan, waxaana xusid mudan in muddada ay Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo Wafdigiisa ay dalkaasi joogaan la kulmi doonaan wasiirro iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Pakistaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts