HomeWararWasiir Fiqi iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Booqasho Todobaad ah uga bilaabatay...

Wasiir Fiqi iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Booqasho Todobaad ah uga bilaabatay Pakistan

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa booqasho todobaad ah waxaa ay uga bilaabatay Jamhuuriyadda Islaamiga ee Pakistaan.

Wafdiga wasiirka oo ay qeyb ka yihiin Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka, Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ayaa inta ay joogaan dalkaasi waxaa ay geli doonaan kulammo iyo doodo la xiriira arrimaha federaalka, dastuurka, maamul daadejinta, dowlad dhiska iyo diiwaangelinta dadweynaha.

- Advertisement -

Mudane Ahmed Moallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo mas’uuliyiinta la socotay waxaa ay maanta kulan gaar ah la yeesheen hay’adda diiwaangelinta Pakistaan ee NADRA, taas oo dowladda Soomaaliya ka gacan siin doonta aqoonsiga qaranka iyo diiwaangelinta dadweynaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo khudbad kajeediyay kulankaasi ayaa waxaa uu ugu horreyn ka hadlay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Pakistaan tan iyo 1960-kii, iyada oo labada dal ay ahaayeen xubnihii wax ka aasaasay ururka Iskaashiga Islaamka iyo sida dalkaasi qeyb u ahaa dadaalladii nabad ilaalinta xilligii dagaallada sokeeye.

Safarkan ayuu mudane Ahmed Moallim Fiqi ku sheegay in ay wax badan uga faa’ideysan doonaan khibradda Pakistaan ee la xiriirta federalism-ka, nidaamyada dowladaha hoose iyo hannaanka diwaangelinta iyo aqoonsiga.

- Advertisement -

Kulanka waxaa sidoo kale ku jiray hay’adaha UNDP Soomaaliya iyo UNDP Pakistaan, waxaana xusid mudan in muddada ay Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo Wafdigiisa ay dalkaasi joogaan la kulmi doonaan wasiirro iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Pakistaan.

Latest stories