HomeWararWaa imisa lacagta ay Abaalmarin ahaanta u heleen ku guulaystayaasha Koobka Adduunka?

Waa imisa lacagta ay Abaalmarin ahaanta u heleen ku guulaystayaasha Koobka Adduunka?

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Xulka dalka Argentine ee ku guulaystay koobka adduunka ayaa la siinayaa abaal marin lacageed oo gaadhaysa illaa $42 milyan oo dollar oo loo marinayo xidhiidhkooda kubadda cagta. Sidoo kale xulka Faransiiska oo isagu galay kaalinta labaad ayaa isaguna helaya $30 milyan oo dollar, oo ay ka helayaan lacagaha abaalmarinta ah ee ay bixinayso FIFA sannadkan, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xulka dalka Argentine ee ku guulaystay koobka adduunka ayaa la siinayaa abaal marin lacageed oo gaadhaysa illaa $42 milyan oo dollar oo loo marinayo xidhiidhkooda kubadda cagta.

Sidoo kale xulka Faransiiska oo isagu galay kaalinta labaad ayaa isaguna helaya $30 milyan oo dollar, oo ay ka helayaan lacagaha abaalmarinta ah ee ay bixinayso FIFA sannadkan, kuwaas oo gaadhaya $440 milyan oo dollar.

- Advertisement -

Sannadkii 2018, waxaa xulka Faransiiska ee ku guulaystay koobka adduunka la siiyey $38 milyan oo dollar oo laga siiyey sanduuqa abaal marinta lacagaha ee FIFA, iyada oo sannadkaas guud ahaan lacagaha abaal marinta ah ee la bixiyey ay gaadhayeen illaa $400 milyan oo dollar.

Lacagahan dhammaantood loo qaybin maayo ciyaartoyda, hase ahaatee waxaa loo qoondeeyey in qayb aad u wanaagsan laga siiyo ciyaartoyda.

Xidhiidh kasta oo kubadda cagta ah oo ka soo qaybgalay koobka dunida ayaa helay ugu yaraan $9 milyan oo dollar oo ah inuu ka qaybgalay koobka dunida ee sannadkan, iyo $1.5 milyan oo dollar oo loogu talo galay inuu ugu diyaargaroobo koobka dunida.

- Advertisement -

Halka ay lacag dheeraada helayaan dalalka u gudba wareega 16-ka iyo 8-da.

Xulka Croatia oo galay kaalinta saddexaad ayaa isagu helay lacag gaadhaysa $27 milyan oo dollar, halka xulka Marooko oo galay kaalinta afraad la siin doono $25 milyan oo dollar.

Dakhliga FIFA ee afartii sano ee la soo dhaafay ayaa wuxuu ahaa $7.5 bilyan dollar, kaas oo intiisa badan ay ka heshay dhinaca baahinta ciyaaraha, Sponsorships, iibinta tikidhada iyo adeegyada martigelinta.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts