HomeWararTaliska Mareykanka ee AfRICOM oo Sheegay in duqeymo ay fuliyeen ay ku...

Taliska Mareykanka ee AfRICOM oo Sheegay in duqeymo ay fuliyeen ay ku dileen Xubno ka tirsan AL-Shabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee AfRICOM ayaa sheegay in duqeymo ay ka fuliyeen Gobolka Sahbeellaha dhexe ay ku dileen xubno katirsan dagaalamayaasha AL-Sahbaab, waxaana qoraal kasoo baxay Taliska Mareykanka lagu sheegay in laba weerar oo dhacay 14 iyo 17 kii Bishaan ay ka fuliyeen meel u dhaw degmada Cadale. Mareykanku waxaa ay intaa kud areen in howlgalkaasi […]

- Advertisement -

Taliska Mareykanka ee AfRICOM ayaa sheegay in duqeymo ay ka fuliyeen Gobolka Sahbeellaha dhexe ay ku dileen xubno katirsan dagaalamayaasha AL-Sahbaab, waxaana qoraal kasoo baxay Taliska Mareykanka lagu sheegay in laba weerar oo dhacay 14 iyo 17 kii Bishaan ay ka fuliyeen meel u dhaw degmada Cadale.

Mareykanku waxaa ay intaa kud areen in howlgalkaasi uu yimid kadib markii codsi uu kaga yimid dowladda federaalka ayna ku taagerayeeen howgalka ay Ciidanka Soomaaliyeed ay ka wadaan agagaarka Cadale.

- Advertisement -

Waxaa qoraalka lagu sheegay in weerar 14-kii bishaan ka dhacay meel 176 kilomitir waqooyi bari ka xigta magaalada Muqdisho oo ah agagaarka Cadale lagu dilay 7 ka tirsan  Al-Shabaab waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale weerarka dhacay 17 ka bishaan ayay tilaameen inuu ka dhacay meel 220 kiiloomitir waqooyi bari ka xigta Magaalada Muqdisho oo ah isla agagaarka Cadale, waxaana Qiimeynta hordhaca ah ee taliska lagu sheegay in 8 ka tirsan  Al-Shabaab laga dilay duqeyntaasi,taasi oo tirada guud ka dhigay 15 dagaalame.

Dhankooda waxaa ay sheegeen inuusan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray howgalkaasi, sidoo kalena waxaa ay intaasi ku dareen in qiimaynta hordhaca ah ee ay sameeyeen aysan jirin dad rayid ah oo ku waxyeeloobay duqeymahaasi ay ka fuliyeen Shabeellaha dhexe.

- Advertisement -

 

Latest stories