HomeWararXildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka walaacsan muddo kororsiga Lafta-gareen

Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka walaacsan muddo kororsiga Lafta-gareen

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa walaac ka muujiyay muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo muddo xileedkiisu ay ka harsantahay maalmo kooban. Xildhibaanada maamulkaas, ayaa sanado ka hor muddo kordhin u sameeyay Madaxweynaha, si la isku waafajiyo doorashooyinka Baarlamaanka iyo […]

- Advertisement -

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa walaac ka muujiyay muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo muddo xileedkiisu ay ka harsantahay maalmo kooban.

Xildhibaanada maamulkaas, ayaa sanado ka hor muddo kordhin u sameeyay Madaxweynaha, si la isku waafajiyo doorashooyinka Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha, ha yeeshee xildhibaanada qaarkood ayaa ku doodaya in arrintaas aysan sharciga waafaqsanayn.

- Advertisement -

Xildhibaan Saadiq Cabdullaahi Cabdi oo kamid ah xildhibaanada doonaya in la qabto doorashada madaxweynaha ayaa BBC-da u sheegay in war-saxaafadeedka ay soo saareen ay uu xambaarsan yahay walaaca siyaasadeed iyo midd doorasho ee maamulka Koonfur Galbeed.

“Warqadda aanu soo saarneyn waxay xambaarsan tahay walaaca xaaladda siyaasadeed iyo midd doorasho ee maamulka Koonfur Galbeed oo wakhtigan xaadirka ah aad u kacsan maadama Madaxweynaha xilka kasii degayo uu muddo xileedkiisa maalmo yar uga harsan yihiin”.

Wuxuu ku baaqay in doorashada xilligeedii lagu qabto isla markaana aysan raalli ka heyn wax muddo kororsi ah, Dhawaan ayey aheyd markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu ku baaqay Shir dib u heshiisiin ah oo la isugu yeeray siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed, si xal looga gaaro khilaafka doorashada.

Latest stories