HomeWararSawirro: Diyaarad Qaad siday oo Maanta ku burburtay duleedka Magaalada Caabudwaaq

Sawirro: Diyaarad Qaad siday oo Maanta ku burburtay duleedka Magaalada Caabudwaaq

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Diyaarad nooca yar-yar ayaa barqanimadii Maanta waxaa ay ku burburtay duleedka magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug, diyaarada ayaana ka duushay markii hore Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Diyaarada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay qaad/Jaad u sidday magaalooyinka Cabudwaaq iyo Gaalkacyo, hayeeshee inta aysan marka hore ku degan Garoonka diyaaradaha Cabudwaaq ay […]

- Advertisement -

Diyaarad nooca yar-yar ayaa barqanimadii Maanta waxaa ay ku burburtay duleedka magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug, diyaarada ayaana ka duushay markii hore Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Diyaarada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay qaad/Jaad u sidday magaalooyinka Cabudwaaq iyo Gaalkacyo, hayeeshee inta aysan marka hore ku degan Garoonka diyaaradaha Cabudwaaq ay burburtay, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

- Advertisement -

Sawirro laga soo qaaday goobta ay ku dhacday diyaarada ayaa muujiyay burbur gaaray mid kamid baalasha ay ku duuleysay diyaaradda, isla markaana qeybta hore ay dhulka ku dhufsatay meelo ay ku yaallaan geedo yar-yar,

Ilaa iyo haddaa lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa burburka iyo dhicitaanka diyaaradaan qaadka u sidday magaalooyinka Cabudwaaq iyo Gaalkacyo ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud ka kala tirsan, sidoo kalena lama oga khasaaraha ka dhashay.

Wararkii ugu danbeeyay ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan inay haatan socdaan baaritaa kala duwan oo ay wadaan laamaha ammaanka ee dowlad Goboleedka Galmudug oo isku hareereeyay goobta diyaarada ay kusoo dhacday.

- Advertisement -

Latest stories